
Amarka 2023-03 – ayaa Aasaasay Barnaamijka Adeegga Tagsiga
Dalabka/Qiimaha Go'an lagu Kiraysto
• Gudiga Adeegyada Gegiga ee Gudiga Dekada, ama wakiiladooda, ayaa dib u eegi doona
nidaamka xalinta khilaafka gaadiidka dhulka ee gegeiga si hormarin loogu sameeyo
darawallada iyo Ururka Mutadawiciinta Darawalka, looguna soo sheego natiijooyinka Gudiga
ugu danbayn Aqoosto 30, 2023. Gudiga, ama wakiilkiisa, ayaa sidoo kale qiimayn doona
isbadellada suuqgaynta ee barnaamijka tagsiga/qiimaha go'an lagu kiraysto, ama wakiilkiisa.
• Dekada ayaa sidoo kale dib u eegaysa siina xoojin doonta heerarka adeegga macaamiisha ee
qandaraaska ee maamulaha geeska wadada si loo xaqiijiyo u dhaqanka Gudigana xog looga
siiyo ku dhaqanka muddo lix bilood ah gudahood kadib marka la ansixiyo Amarkaan.
Sida ku cad waraaqda kasoo baxday Maamulka Dekada Seattle kuna socotay Dawlada Hoose ee
Degmada King taasoo ku boorinaysay dhaqan gelinta qarashka go'an ee ugu yar ee lacagta
tagsiga/safar kasta oo looga yimaado SEA, Agaasimaha Fulinta ayaa u sheegi doona Gudiga 90
maalmood gudahood marka la dhaqan gasho Amarkaan xaalada isbadellada lasoo jeedshay ee
Degmada King ku samaysay safarada tagsiga/qiimaha go'an ee kirada tagaasida ee Degmada King oo
dhan. Haddii Degmada King aysan soo saarin xeerka qiimaha ugu yar ee degmada oo dhan ee
tagaasida dhammaadka 2023, Gudiga ayaa ka baaraan degi doona qiimaha ugu yar ee tagsi raaca
kaasoo keliya quseeya darawallada tagsiga/gaadiidka qiimaha go'an lagu raaco ee loo ogol yahay inay
qaadaan rakaabka dalbada ee jooga SEA.
BAYAAN TAAGEERAAYA AMARKA
Sida uu Gudigu u sheegay Agaasimaha Fulinta iyo shaqaalaha, dhaqan gelinta barnaamijka
tagsiga/gaadiidka qiimaha go'an lagu kireysto waxaa ku jira wada hadal joogto ah, adag, oo
daacadnimo ku dhisan lalana yeesho wadeyaasha, darawallada, iyo mulkiileyaasha gaadiidka si loo
aqoonsado loona yareeyo ciladaha iyo tabashooyinka marka ay soo baxaan. Barnaamijka
tagsiga/gaadiidka qiimaha go'an lagu kireysto waxaa hadda ku jira hanaan nidaamsan oo
fududeynaaya wada hadalka joogtada ah ee furan oo lala sameeyo darawallada, wadeyaasha, iyo
wakiillada ayadoo loo maraayo Ururka Mutadawacnimada Darawalka, iyo sidoo kale doorka Dekada
oo ah kormeerka qandaraaslaha kormeerka maamulka geeska wadada iyo xalinta khilaafaadka.
Dhaqan gelinta barnaamijka waxaa ku jiri doona wada shaqayn ay Dekadu la samayso darawallada
iyo wadeyaasha si loo aqoonsado barnaamijka hormarinta shaqaalaha oo waxtar u leh darawallada,
ayna ku jiraan barnaamijyada u baahan ruqsada darawallada ganacsiga (CDL) iyo tubaha gaadiidka
kale ee dhulka, gaadiidka xamuulka, ama ganacsiga kale ee mushaarka qoyska iyo shaqooyinka
xirfadaha gaadiidka.
Waxaa ku jira dhaqan gelinta dib u eegis ay dekadu ku samaynayso shuruudaha heshiiska degmadu la
gashay adeegyada maamulka geeska wadada, shuruudaha hadda ee tababarka xalinta khilaafka
shaqaalaha maamulka geeska wadada, iyo qiimaynta shuruudaha tababarka ee heshiisyada
mustaqbalka si loo xaqiijiyo adeegyada tababarka iyo maamulka geeska wadada.